Sunday, July 6, 2025

Xildhibaano isku baheystay isbedeldoon oo caawa shirkoodii ugu horeeyay ku yeeshay Muqdisho

Xildhibaano isku baheystay inay yihiin isbedel doon ayaa caawa shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo iskood isu abaabulay.

Xildhibaanadan oo isu abaabulaya inay ka hortagaan dib u doorashada madaxaweyne  Xasan Sheekh ayaa qaarkood hadallo ay ka jeediyeen kulanka ka sheegay in ujeedkoodu yahay inay beeniyaan in dowlado shisheeye ay saameyn ku yeeshaan Doorashada.

Waxaa ka dhex muuqda xildhibaano ay ka mid yihiin C/risaaq Jurrille, Axmed Macalim Faqi, Xuseen Carab Ciise, C/llaahi Goodax Barre iyo xubno kale.

Tirada xildhibaanada goobta ku sugan ayaa mid ka mida xildhibaanada ku sheegay inay gaarayaan 170, laakiin markii telefishankaa laga daawaday ayaa tiradaasi ay tahay mid aad looga badbadiyay.

Image may contain: 6 people, people sitting and table

Xildhibaan Axmed Faqi ayaa sheegay in kacdoon cusub uu bilowday kaasoo looga hortegayo musuqmaasuqa iyo maamula xumida baahday, ayna maalinta doorashada la arki doono awoodda xildhibaanada labada aqal.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON