Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ka dalbaday xukuumadda Puntland ee Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni inay xoriyadooda usoo celiso xubnaha Guddiga Dhisma Wadadda Boosaaso ee ay dhowaan xabsiga dhigtay.
Xildhibaanadda oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Guddi Bulsho oo is xilqaamay in la xiro, iyadoo loo heyso lacag ay ka heleen dowladda Federaalka, waxayna ugu baaqeen xukuumadda Puntland inay degdeg u sii dayso xubnaha guddiga oo isugu jira odyaal iyo waxgarad.
Guddigan ayaa ururinayay qaaraan lagu dhisayo waddooyinka magaalada Boosaaso. Xariggooda ayaa yimid ka dib markii ay lacag ka heleen dowladda federaalka ah Soomaaliya. Xildhibaannada ayaa ka dalbaday xukuumadda Puntland inay magdhow iyo raaligelin ka bixiso xariga xubnaha Guddigaasi.
Xubnaha la xiray ayaa waxaa ku jira guddoomiyaha guddiga oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Macallin Axmed oo xalay la xiray.