Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ka hor yimid magacaabid is daba joog ah oo madaxweynaha maamulkaasi ku soo saaray 7 degmo oo Gobolka Hiiraan ka tirsan.
Xildhibaanada oo ka hor yimid wreegtooyinkii uu dhowaan soo saaray Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay inay mooshin ka diyaarinayaan una yeeri doonaan si uu u hor yimaado Baarlamaanka maamulkaasi.
Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelleayaa sheegay in kulan uu maalinta berri ah Baarlamaanka Hirshabeelle ka yeelan doono arritan ayna u yeeri doonaan Madaxweynaha Hirshabeelle.
Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cali Xuseen (Geel Suge) oo ka mid ah Baarlaamanka Hirshbeelle ayaa isna sheegay in magacaabista madaxweyne Cosoble ee 7-da degmo ay tahay sharci darro, isagoo aanay jirin cid uu kala tashaday.
Xildhibaanka ayaa sheegay in degaamada uu degmooyinka u magacaabay Cali Cabdullaahi Cosoble ay intooda badan heystaan kooxda Alshabaab, qaarkoodna ay yihiin degaano aanay cidna deganeyn.