Iyadoo maanta codka kalsoonida loo qaadayo Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa sii xoogeynaya welwel ay qabaan xildhibaanada Baarlamaanka oo ku saabsan xukuumadda cusub.
Waxaa soo baxay qorshe ay isla meel dhigeen madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha oo ku saabsan Golaha cusub ee wasiirada la magacaabi doono.
Qorshahan ayaa ku saabsan inaan Golaha wasiirada lagu soo darin xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana wararka laga helay madaxtooyada ay sheegeen in Golaha wasiirada intooda badan ka imaan doonaan dibadda baarlamaanka, iyadoo xildhibaanada laga qaadan doono xubno aad u yar.
Tirada xukuumadda cusub ee Xasan Kheyre ayaa la sheegay inay gaari doonto 20 wasiir, waxaana la isla meel dhigay qaabka awood qeybsiga Golaha wasiirada oo noqon doona mid isla eg oo aan loo eegin 4.5 sidii ay hore sameysay dowladii Xasan Sheekh.
Goobjooge.com