Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa wada Mooshin ku saabsan Golaha Wasiirada cusub ee aan weli la magacaabin.
Xildhibaanadan ayaa ka careysan qaabka loo wado la-tashiyada Golaha wasiirada iyo lugta ay ku yeesheen madaxda Guddoonka Baarlamaanka oo ay ku eedeeyeen inaysan shaqadooda ahayn so xulista Golaha wasiirada.
Xildhibaanada ayaa kasoo horjeeda in dhismaha Golaha wasiirada lagala tashado guddoonka Golaha shacabka, sida Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo guddoomiye ku xigeenada C/weli Muuudey iyo Mahad Cawad oo ay tuhunsan yihiin in dad ay wataan ay culeys ku saarayaan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha inay ku soo daraan Golaha Wasiirada.
Mooshinkan ayaan weli helin xildhibaano badan, waxaana saxiixay labaatameeyo, inkastoo xubnaha guddoonka Baarlamaanka ay laftooda ka careysan yihiin inaan tixgelin weyn la siinin xubnihii ay wateen in loogu daro Golaha Wasiirada.
Dib u dhaca ku yimid magacaabidda Golaha wasiirada ayaa keentay in muran badan ka dhex dhasho xildhibaanada oo intooda badan sugaya xilal wasiir iyo guddoonka Baarlamaanka.
Goobjooge.com