Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo ahaa wasiirkii hore ee Amniga dowladii Xasan Sheekh ayaa sheegay in musuqmaasuqa dowladda Soomaaliya aanu ku koobneyd warbixinta ay soo saareen Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Federaalka.
Wasiirka hore oo ka mida xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa soo xogtay Guddiga Baarlamaanka ee Maaliyadda, wuxuuna qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in xubno ka tirsan Guddiga u sheegay in warbixin ay kaliya ahayd hordhac laakiin ay musuqa aad u baahan yahay, isla markaana ay caddeymo soo bandhigi doonaan.
Warbixinta Guddiga uu dhowaan soo saartay oo faahfaahin ka bixisay lacago maqan iyo is daba marin baahsan oo lagu sameeyay miisaaniyadda dowladda ee sanadkan, siiba wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka Gobolka Banaadir ayuu guddigu ka hor akhriyay iyadoo kooban Baarlamaanka, waxaana qoraalkaasi lagu shaaciyey saxaafadda.
Taageerayaasha madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku eedeeyay Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka inay u badan yihiin xildhibaanno mucaarad ah oo waajibaadkii Baarlamanka u xilsaaray ay u weeciyeen arrimo siyaasadeed.
Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar ayaa laf ahaantiisa ay NISA ku soo oogtay kiis ku saabsan heshiis la sheegay in malaayiin doolar ay ku baxday oo isagu uu saxiixay, iyadoo baaritaan loo gudbiyey.
Musuqmaasuqa lagu eedeeyay Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa beeniyey wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Duceyle Beyle.