Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa maalin la soo hormariyay xilliga la hor geynayo Baarlamaanka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Ee Soomaaliya Mudane Xasan Kheyrre ayaa la xaqijiyya in Arbacada la hor geyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya.
Arbacadda oo ku beegan maalinta la furayo Baarlamaanka ayaa hore la filayay in Xasan Cali Kheyrre la horgeeyo Khamiista, sida uu codsaday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ra’iisal wasaaraha magacaaban ayaa kalsooni la siin doonaan shaqsigiisa, waxaana kadib Baarlamaanka la horgeyn doonaan Qorshaha xukuumadda cusub.
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa hore uga dalbaday Baarlamaanka inay kalsooni siiyaan Ra’iisal Wasaare Kheyre isagoo ku dooday inuu yahay qof ay wada shaqeyn karaan.
Goobjooge.com