Friday, April 19, 2024

Xilliga la fulinayo Toogashada lagu xukumay Raggii lagu helay Kiiskii Caasho Ilyas oo la shaaciyey..

Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa shaaciyey xilliga la fulinayo xukunkii tooagashada ahaa ee maxkamadaha Puntland ku rideen saddexdii eedeysane ee lagu helay kufsigii iyo dilkii naxdinta lahaa ee Allaha u naxariistee Caasho Ilyaas Aadan ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Xeer-ilaaliyaha guud ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11-ka Bisha Febraayo 2020-ka marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, goobta laga fulin doono ayuu sheegay inay tahay magaalada Boosaaso.

Ragga xukunka lagu fulin doono ee isu maray saddex maxkamadooda oo dhammaantood isku raacay in xukun dil ah lagu fuliyo, waxaana ku caddaatay kufsi iyo dil ay u geysteen Gabadhii 12 sano jirka ee Caaisho Ilyaas Aadan oo arrinteeda ay gilgishay dadka Soomaaliyeed.

Ad

Dil-sugayaasha ayaa kala ah: C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige, waxaana laba ka mida ay yihiin wallaalo.

Xeer ilaalinta Guud ee Dowlad Goboleedka Puntland waxaa uu sheegay in xukunka dilka ah eeraggaas la fulin doono 11/02/2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, goobta laga fulin doonana ay tahay fagaaro ku yaala Boosaaso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON