Guddiga Doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa ku dhawaaqay in xilliga la qabanayo Doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug.
Guddiga ayaa ku dhawaaqay in doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Cadaado 21-ka Maarso 2017.
Warka ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha ay ka qeybgeli doonaan Ahlu sunna oo maamusha qeybo ka mida Gobollada Dhexe.
Waanwaan ka socotay Muqdisho ayaa la sheegay in kooxda Ahlu suna ay ogolaatay inay doorashada Galmudug qeyb ka noqoto, isla markaana la midowdo maamulka Galmudug.
Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa iyaguna sheegay in doorashada ka dhaceysa Cadaado ay ka duwan tahay kuwii hore, isla markaasina la dooran doono madax wax ka bedeli karta xaalada maamulka Galmudug.
Goobjooge.com