Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan X. Yabarow “Wiish” ayaa bixiyay hadal qof walba jawab ugu filan kuna aadan hadal heynta arinta wiilkii lagu sheegay inuu yahay Kenyaati.

Gudoomiyaha wuxuu yiri: “Qof walba oo soomaali ah meel walba haku dhasho ama ha daganaado wuxuu xaq u leeyahay inuu matalo Somalia si walba ha u matalee – heer kooxeed, heer dagmo, heer gobol ilaa heer Qaran, waxaana shacabka ugu baaqayaa iney ka waantoobaan arimahaan lagu kala fogeynaayo Soomaalida ee lasoo dhex galiyay ciyaaraha”

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbinayanaa xog ku saabsan ciyaaryahanka lagu muran sanyahay. Magaciisa oo buuxa oo waa: C/majid Cusmaan Ibraahim “Xusni”

Wuxuu ku dhashay Ceel Waaq, gobolka [GEDO] sanadkii 1996, wuxuu kusoo barbaaray kuna waxbaray magaalada Mandhera ee Waqooyi Bari Kenya. Waxbarashadiisa Dugsiga Dhexe & Dugsiga Sare wuxuu kaga baxay isla magaaladaas.

Kadib waxbarashadiisa Mandhera wuxuu u guuray Nairobi halkaas oo uu uga soo ciyaaray kooxo heer ahaan hooseeya. Kooxda Dekedda ayaa la xiriirtay oo keentay Muqdisho si uu ugu ciyaaro, balse ka hor inta aan loo diiwaan galin waxaa qortay Maamulka Gobolka Banaadir.

Ma Jiro Sharci u diidaya inuu u ciyaaro haduu Somali yahay kuna dhaqan yahay waqtigaan Magaalada Muqdisho.

 

Isha: Laacib.so