Sunday, July 6, 2025

Xisbi Qaadacay iyo Qaar ka baaqsaday kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyadda Siyaasadda Dalka

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa isugu yeertay xisbiyada siyaasadda dalka, iyadoo maanta lagu wado inay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulankan oo ka danbeeyay markii Madaxweynaha Farmaajo uu la shiray madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ka socday madasha Xisbiyada Qaran, waxaana uu kulankan dib u dhacay Khamiistii, iyadoo farriimo ay Madaxtooyada u dirtay Xisbiyada Siyaasadda lagu wargeliyey inuu kulanka dib ugu dhacay maanta oo Sabti ah.

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur Warsame oo dowladda Soomaaliya aya weerrar ku qaaday Gurigiisa, isla markaana ay xabsiga dhigtay ayaa qaadacaday kulanka, wuxuuna xisbigan ku doodayaa inuusan weli helin cadaalad, kadib dadkii ay dowladda ku leysay xaruntooda.

Xisbiyada ka mida Madasha Qaran ee ay hoggaamiyaan Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, C/qaadir Cosobole iyo kuwo kale ayaa la sheegay inay ka baaqsadeen kulanka iyagoo ku jira Madasha Xisbiyada Qaran oo madaxdooda ay hore ula kulmeen Madaxweynaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON