Friday, August 7, 2020
More

    Xisbiga C/raxman C/shakur oo War kasoo saaray magacaabidda xubnaha Golaha Garsoorka

    Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyay xukuumadda dhacday ee Soomaaliya inay 30-kii July soo saartay go’aan ay ku sheegeen inay ansixiyeen xubno ka mida Golaha Adeegga Garsoorka.

    Qoraalka Xisbiga Wadajir ayaa lagu caddeeyay in xukuumadii hore ay dhacday markii uu is casilay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre 25kii July 2020, taasoo ay ka dhalatay inay meesha ka baxeen Golaha Wasiirada sida ku cad qodobka 97-aad ee Dasuutka Federaalka.

    Ad

    “Si hareer-marsan dastuurka iyo sharciga Golaha ayaa xubno ka tirsan xukuumaddii dhacday waxay 30-kii July ansixiyeen shan xubnood, taasoo ah tallaabo kale oo si ulakac ah rajiimka talada haya ugu tuntay Dastuurka iyo Shuruucda JFS:” ayaa lagu yiri qoraalka xisbiga Wadajir.

    HOOS KA AKHRISO

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    144,490FansLike
    1,846FollowersFollow
    5,563FollowersFollow
    144,490FansLike
    1,846FollowersFollow
    5,563FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!