Thursday, July 17, 2025

Xisbiga Dimoqraadiga oo diiday Qorsheyaasha Madaxweyne Trump ee Muhaajiriinta Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay hindiseyaal cusub oo uu doonayo in loogu ogolaado lacagta uu ku dhiso Derbiga xuduudka dalka Mexico oo keenay inay qeyb ahaan joogsato shaqadii federaalka Mareykanka.

Trump ayaa si weyn u debciyey, kana noqday go’aano ka dhan ahaa soo-galootiga Mareykanka iyo dadka sharci la’aanta ku jooga dalkaasi, isagoo dadka muhaajiriinta ahi dib ugu soo celinaya fursado uu hore uga joojiyey, wuxuuna taas bedelkeed  doonayaa in xibsiga Dimoqraadiga uu ogoalado lacagta dhan 5.7 Bilyan oo lagu dhiso Derbi u dhaxeeya dalalka Mareykanka iyo Mexico.

Xildhibaanada xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku gacan seyray dalabka Trump ee ah in uu dhaqaale u helo dhismaha gidaarkaasi. Hindisyaasha cusub ee Trump ayaa lagu sheegay inay yihiin xaq uu hore u xayiray ee aanu waxba ku soo kordhin arrimihii la isku mari la’aa ee Derbiga.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda mudayasha xisbigha Dimoqraadiga ayaa jawaab ay ka bixisay hindisayasha cusub ee Madaxeyne Trump ku sheegtay inaysan wax cusub soo kordhin, iyadoo ugu baaqday inuu marka furo shaqadii dowladda Federaalka oo uu qeyb ahaanta xiray una diyaar garoobo wadahadal

Muddo Bil aha ayaa u buuxsameysa Hakadka ku yimid qeyb ka mida shaqadii dowladda Federaalka oo kharash la’aan dhigtay 800,000  oo ka mida  ah shaqaalaha dowladda dhexe ee Federaalka Mareykanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON