Xisbiga Cadaaladda & Horumarka Soomaaliyeed (Justice and Development Party) ee uu hoggamiyo Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungab) ayaa soo dhoweeyayHeshiiskii hannaanka Doorashada 2020/2021 ee Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay ku gaareen Magaalada Muqdisho.
“Heshiiskaan wuxuu ka dhigan yahay tallaabo hore loo qaaday oo ku salaysan duruufta Dalka ka jirta, kadib markii Dowladii Federaalka iyo hoggaankeeda ku fashilmeen in ay Dalka ka qabtaan Doorasho Qof iyo Cod ah, taasoo dib u dhac ku ah Dowlad dhiska Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xisbiga JDP.
Xisbiga wuxuu soo jeedinayaa in la cayimo xilliga Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Dalka, degdegna loo dhiso Guddiyada Doorashada lagana talo geliyaa dhammaan Saamilayda Siyaasadda Dalka.
Wuxuu kaloo Xisbiga JDP ugu baqay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay meel mariyaan Heshiiska Doorashada, si Dalku hore ugu socdo, loogana hortago qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac kale.

