Saturday, July 5, 2025

Xisbiga Waddani oo ku horeeya Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland (Akhriso Natiijadii ugu danbeysay..)

Waxaa soo baxaya natiijada Doorashada Golaha wakiilada Somaliland, iyadoo ilaa hadda la shaaciyey 5 Gobol oo kala ah: Togdheer, Sool, Sanaag, Awdal iyo Saaxil.

Waxaa ilaa hadda la soo saaray natiijada hordhaca ah ee shanta Gobol, iyadoo uu ku horeeyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxaana ku xiga xibsiga talada haya ee Kulmiye, waxaana ugu danbeeya xisbiga UCID.

TIRADA XISBIYADA AY KA HELEEN
Waddani: 24
UCID: 16
Kulmiye: 22
Isu geyn: 62


HOOS KA AKHRISO NATIIJADA SHANTA GOBOL EE LA SHAACIYEY

SAAXIL: Tirada xildhibaannada Gobolka waa 10 xildhibaan
Wadani: 3
UCID: 3
Kulmiye: 4

AWDAL: Tirada xildhibaannada Gobolka waa 13 xildhibaan
Wadani: 5
UCID: 3
Kulmiye: 5


TOGDHEER: Tirada xildhibaannada Gobolka waa 15 xildhibaan
Wadani: 7
UCID: 4
Kulmiye: 4


SANAAG: Golaha wakiilada wuxuu Gobolkani ku leeyahay 12 xildhibaan, waxaana loo kala helay:
Kulmiye: 4
Waddani: 5
UCID: 3


SOOL: Tirada xildhibaannada Gobolku ku leeyahay Golaha Wakiilada waa 12 xildhibaan; Waxaa loo kala helay:
KULMIYE: 5
WADNI: 4
UCID: 3


Tirada Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland waa 82 xildhibaan; Waxaa la sugayaa natiijada Gobolka Maroodijeex ee caasimadda Hargeysa oo ah kan ugu weyn oo leh (20) xildhibaan.

Waxaa ilaa hadda la shaaciyey 62 xildhibaan oo shan Gobol ka yimid, kana tirsan Golaha Wakiilada, iyadoo uu kaalinta koowaad ku jiro Xisbiga Waddani ee mucaaradka.

20-ka xildhibaan ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa u muuqda inuu noqon doono Gobolka kala saari doona xisbiyada, lagu kala bixi doono natiijadiisa oo Caawa ilaa Berri.

LA SOCO WIXII KASOO KORDHA…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON