Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa noqday Xisbigii ugu horeeyay ee soo dhoweeyay Gudiyadda Doorashadda 2020/2021 ee ay soo magacaabeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Qoraal kasoo bay Xisbiya ayaa lagu sheeg in magacaabidda Guddiyada Doorashada ay tahay tallaabo hore loo qaaday oo bilow u ah Doorasho waqtigeeda ku dhacda si loo fuliyo heshiiskii Doorashada.
Wuxuu sheegay xisbiga JDP in diidmada Guddiyada Doorashada ay dhalin karto qalalaase gala diyaar garowga Doorashada Dadban ee lagu heshiiyey iyo dib u dhac ku yimaada Doorashada 2020/2021 oo sababta waqti kororsi loo sameeyo Dowladda Waqtigeeda dhammaanayo.
“Waxaa nasiib darro caado noqotay ah in Koox kasta oo talada Dalka heysa ay xilliga ugu dambeeya isku daydo inay saameyn ku yeelato Guddiyada Doorashada, laakiin wuxuu Xisbiga JDP ku kalsoonsan yahay in xubnaha Guddiyada Doorashada ee la magacaabay ay yihiin Muwaadiniin xaq u leh in la magacaabo, ayna leeyihiin damiir Soomaalinimo oo u diidaya inay cid gaara u xagliyaan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka.
