Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib u dhac weyn kala kulmay qorshe doorasho oo uu watay, kadib markii ay ka hor yimaadeen dhammaan saaxiibadiisa siyaasadeed iyo labada aqal ee Baarlamaanka.
Qorshaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo oo ku dhisanaa in Soomaaliya oo dhan hal degaab doorasho laga dhigo (Muqdisho), dadkuna ay si toos ah u doortaan Madaxweynaha dalka ayaa wajahay caqabado fara badan markii Golaha wasiirada uu is dhaafiyey, kadibna Baarlamaanka federaalka loo gudbiyey, waxaana guud ahaan dadaalladii Madaxweyne Farmaajo ay kusoo dhammaadeen fashil aanu qiran.
Arrimaha ugu waaweyn ee Qorshihii Doorashada Madaxewyne Farmaajo fashiliyey waxaa ka mid ahaa:
1- Iyadoo Dastuurka KMG ka hor imaanayo Dooracsho toos ah oo dadweyne, waxaana ku cad in Baarlamaanku dooranayo madaxweynaha, iyadoo aan la helin dastuur rasmi ah, howshii dib u eegista dastuurkana aysan suuragal ahayn inay soo dhammaato.
2- Nidaamka hal degaan Doorasho oo Soomaaliya oo dhan laga dhigo oo aan macquul ahayn in lagu qanco, waxaana shaki weyn hareeyay dadkii ugu dhowaa madaxweynaha oo qorshahan u qaatay mid uu doonayo inuu isaga xilka kusoo laabto.
3- Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka oo si toos ah uga hor yimid, iyagoo sameystay isbaheysi ay ku meel mariyaan qroshe Doorasho oo ka dhan ah kan uu watay Madaxweyne Farmaajo.
4- Madaxweyne Farmaajo oo lumiyey madaxdii maamul Goboleedyada dalka, guddoonkii labada aqal. Labada maamul Goboleed ee taageersan dowladda ayaa dhinacooda u caddeeyay madaxweynaha inaysan suuragal ka ahayn dalka nooca doorasho ee uu doonayo.
5- Iyo Beesha caalamka oo lagu qancin waayey qaabka qorshaha doorasho ee madaxweyne Farmaajo watay, kaasoo Golaha Wasiirada Ansixiyeen, balse Baarlamaanku bedelay.
Inkastoo dadaal badan uu geliyey Madaxweynaha sidii qorshahiisa u meel mari lahaa, ayna isku seegeen beesha caalamka, haddana wuxuu xaqiiqada soo taabtay markii inta badan xildhibannada Golaha shacabka ay diideen qorshahiisa, ayna meel mariyeen qorshihii Doorasho ee Guddi ay magacaabeen Guddoonka Baarlamaanka soo diyaariyey.
Kulamo badan oo madaxweyne Farmaajo ay la yeesheen xildhibaanno, siyaasiyiin iyo madaxda maamul Goboleedyada ee taageera ayaa lagu weydiiyey waxa uu ugu dhegan yahay Doorasho aan suuragal ahayn, waxayna jawaabtiisii noqotay “WAXAAN RABAA INAAN TAARIIKH KA TAGO”.