Qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka oo lagu saleeyay maamul goboleedyada dalkaka jira iyo min 3 xubnood oo loo kordhiyay maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka soo baxday sida ay heshay Goobjooge.com
Xubnaha Madasha qaarkood ayaa xogtan bixiyay iyadoo la qoray xubnaha beel kasta kasoo gaaraya Aqalka sare marka lagu saleeyo heshiiska ay dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka gaareen.
Haddaba xubnaha Beesha Daarood ka heleyso Aqalka sare ee Baarlamaanka 2016 ayaa noqonaya sida soo socota
Maamulada                  Xubnaha
Puntland                           8
Jubbaland                         6
Galmudug                         1
Wadarta                       15
Guud ahaa tirada Aqalka sare waa 54 xubnood, waxaana loo qeybiyay sida soo socota:
Maamulada                 Tirada xubnaha
Somaliland                            11
Puntland                              11
Galmudug                             8
Shabeele/Hiiraan                      8
Banaadir                              0
K/Galbeed                            8
Jubbaland                             8
Wadarta                           54
Goobjooge.com