Qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka oo lagu saleeyay maamul goboleedyada dalka ka jira iyo min 3 xubnood oo loo kordhiyay maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa Goobjooge.com heshay qaabka uu Aqalkaasi u ekaan doono kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Xeer Madaxweyne ku ansixiyay heshiiska Doorashada oo Gobolka Banaadir ka reebaya inuu xubno ku yeesho Aqalkan ku cusub Soomaaliya.
Beesha Daarood oo lagu wado inay u badsatay, kana faa’iideysatay xaalado dhowr ah oo is biirsaday, waxay Aqalka sare ee Baarlamaanka cusub 2016 ayaa ka heleysaa xubnaha soo socda:
Maamulada Xubnaha
Puntland 11
Jubbaland 6
Galmudug 2
Wadarta 19
Tani waxay ka dhigan tahay in Beesha Daarood ay 35% iyadu yeelan doonto xubnaha guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kaliya ay u baahan tahay isbaheysi hal beel ay la gasho si ay ula wareegto talada iyo jiheynta Aqalkaasi.
Waxaa xusid mudan laba xubnood oo kale ay Beesha Daarood ka heli karto xubnaha loo qoondeeyay Somaliland, taasoo heerka gaarsiineysa in ku dhow ilaa 40%.
Guud ahaa tirada Aqalka sare waa 54 xubnood, waxaana loo qeybiyay sida soo socota:
Maamulada Tirada xubnaha
Somaliland 11
Puntland 11
Galmudug 8
Shabeele/Hiiraan 8
Banaadir 0
K/Galbeed 8
Jubbaland 8
Wadarta 54
Goobjooge.com