Monday, July 14, 2025

XOG: Arrintii uu diiday inuu saxiixo Guddoomiye Jawaari oo la ogaaday.. [Maxaa dhex maray Kheyre & Jawaari..?]

Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa halka uu kasoo bilowday isku dhaca guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), iyadoo la ogaaday qodobka ugu muhiimsan ee guddoomiye Jawaari uu diiday inuu saxiixo.

Xogta ayaa sheegeysa in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre isku dayey inuu heshiis hoose oo odaytinimo ah la galo Jawaari, kaasoo qodobadiisa ay ka mid yihiin inuu mas’uul kasta aanu taageerin mooshin kan kale laga wado, isla markaana guddoomiye Jawaari balanqaado oo saxiixo inuusan qaban Mooshin laga wado xukuumadda Kheyre.

Arrintan ayuu ka biyo diiday Jawaari isagoo inay taasi khiyaano ku noqoneyso Baarlamaanka iyo shacabka ay metelaan, waxayna arrintii keentay kalsooni darro labada mas’uul soo kala dhex gasha oo markii dambe sii xumaatay markii xildhibaanno waday abaabulka Mooshinka xukuumadda Kheyre lagu arkay xafiiska Guddoomiye Jawaari.

Ra’iisal wasaaraha oo si weyn ua feejignaa in kalfadhiga saddexaad xukuumadiisa lagu rido ayaa la sheegay inuu dhowr jeer Guddoomiye Jawaari kala hadlay inuusan taageerin mooshinka xukuumadiisa la doonayo in laga keeno, laakiin Jawaari uu iska dhega tiray, iyadoo markii xaaladu gaartay inay isku dhacaan labada mas’uul, taasoo soo dedejisay mooshinka Jawaari.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON