Baaritaanka qarixii weynaa ee toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa maraya meel xasaas ah iyadoo ay ku soo biireen hay’ado denbi baaris oo ajnabi ah.
Baaritaanka oo salka la galay kooxda Alshabaab ayaa dadka loo xiray waxaa ka mida: Qof damiin ka ahaa gaari qarxay, Ciidamo iyo saraakiil ku kala sugnaa laba isgoys oo gaariga qarxay uu maray, nin waday Gaari kale oo ku qarxay degmada Wadajir iyo dad kale oo loo xiray xiriiro aan toos ahayn oo ay kiiska qaraxa la yeesheen.
Dowladda Soomaaliya ayaa baaritaankeeda ku wajahan yahay ciddii ka dambeysay iyo sida gaariga weyn ee xamuulka ah ku soo gaaray Isgoyska Zoope, halka dhinaca kale hay’adaha ka socda Mareykanka iyo dalalka Yurub ay raadinayaan Waxyaabaha qaraxa loo adeegsaday iyo aqoonsiga qofka is-miidaamiyay.
Warbixin la filayay in hay’adaha ammaanka ee dowladda Federaalka kasoo saaraan Qarixii Soope ayaa dib ugu dhacay arrimo lagu sheegay farsamo, waxaana toddobaad kadib qaraxaasi weynaa aan la heynin war rasmi ah oo dowladda kasoo baxay.
Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Ducaale ayaa xalay shir jaraa’id ka sheegay in dad loo xiray qaraxii Soope, isla markaana ay xogta shaacin doonaan maalmaha soo socda.
Goobjooge