Warar xog ogaal ah oo ay heshay Mareegta Goobjooge.com ayaa sheegaya in hogaamiyeyaasha Madasha Qaran ugu jira Beesha Daarood ay siyaasi caan ah u soo sharxeen jagada guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo markii ugu horeysay lagu wado in aakhirka sanadkan la soo xulo.
Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa isku raacsan in Xildhibaan C/risaaq Cusmaan Xasan (Jurille) uu noqdo guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waana siyaasi ruugcadaa ah oo aqoonyahan ah.

C/risaaq Jurille ayaa ku milan maamuladii hore ee dalka iyo dowladii hore, waxaana magaciisa uu ku dhex jiraa fadeexado mashaariic dowladii hore ee Soomaaliya ka qaadatay Talyaaniga oo xilliyadan dambe la iloobay, wuxuuna si weyn ugu dhow yahay maamulka Puntland oo uu kasoo jeedo.
Guddoomiyenimada Beesha Daarood ee Aqalka sare ayaan weli la isku afgaran iyadoo ay ka mid tahay arrimaha looga doodi doono shirka Madasha Qaran ee Magaalada Baydhaba la filayo inuu ka furmo 20-ka bishan.
Goobjooge.com