Sunday, July 13, 2025

XOG: Bukaano ku geeriyooday isbitaallada Caadiga ah ee Muqdisho oo laga helay Coronavirus

Waxaa faafhaahin dheeraad ah laga helay dadkii ugu danbeeyay ee Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya shaacisay inay u geeriyoodeen cudurka Covid-19.

Wasaaradda caafimaadka ayaan markii hore wax faahfaahin ka bixin 3 qof oo ay sheegtay inay Muqdisho ugu dhinteen Coronavirus 15-kii bishan April (Akhriso Warkan), laakiin waxaa dib laga ogaaday inay dadkani u badnaayeen dad xanuunsanaa oo midkood caan ahaa, kuwaasoo qaar ka mida isbitaallada Muqdisho ku geeriyooday iyagoo xanuunno kale qabay.

“Cudurka waxaa u dhintay 5 ruux oo saddex ay ku dhimatay isbitaallo, markii laga soo qaaday sample oo baaritaan loo diray kadib geeriyooday, dadkaas waxay u badnaayeen dad xanuuno hore la tacaalayey oo u il-darnaa” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur oo xalay la hadleysay warbaahinta. (Halkan ka daawo)

Wasaaradda Caafimaadka ayaan ka hadlin isbitaaladii ay saddexda bukaan ku geeriyooday, dadkii la macaamilay waxa laga yeelay iyo sidii loo aaasay saddexdaasi qof ee cudurka coronavirus u geeriyoday intii baaritaanka socday, kadibna laga helay.

Waxaa isa soo taraya magaalada Muqdisho warar ku saabsan meydad laga cabsaday in la aaso markii looga shakiyey cudurka, waxaana dhibaatada ugu weyn wajahaya isbitaallada Muqdisho oo aan heysan qalab ay kula tacaalaan dadka looga shakiyo cudurkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON