Friday, June 27, 2025

XOG: Cabdi Waal oo la sii daayay & shuruudo laga saxiixay isaga & Odayaasha Beeshiisa

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay xalay fiidnimadii xoriyadiisa u soo celisay siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) oo dhowaan laga soo qabtay magaalada nairobi ee dalka Kenya loona soo gacan geliyay ciidamada Nabadsugidda dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdi Waal xalay xalay laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) oo u ku xirnaa muddo ka badan laba toddobaad.

Sii deynta Cabdi Waal ayaa la sheegay inay dadaal weyn u galeen siyaasiyiin iyo  Odayaasha kasoo jeeda beesha Cabdi Waal oo uu ugu horeeyo General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mida hogaamiyeyaasha ku dhow Madaxtooyada Somaliya.

Xogta laga helayo sii deynta Cabdi Waal ayaa sheegeysa in lagu wareejiyay beeshiisa kadib markii laga saxiixay qoddobo shuruudo ah iyo damiin cad oo ay dhiibtay beesha, waxaana qodobada laga saxiixay loo diiday saxaafadda inay wax ka ogaato.

Cabdi Waal oo hore kooxda Ahlu suna ee Gobollada dhexe ugu magacawday taliyaha maleeshiyadeeda ayaanay jirin cid xilkaasi ku sheegtay, wuxuuna hore uga baxsaday magaalada Muqdisho oo dhowr jeer halis u galay inay qabtaan ciidamada ammaanka.

Heshiiskan lagu sii daayay Cabdi Waal ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee cadaaladda ka soke lagu dhameeyo qof loo heystay dembiyo uu galay, waxayna ka mid tahay dhibaatooyinka xaaladaha kala guurka.

Dad arkay Cabdi Waal oo xoriyadiisa dib u helay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanaa inuu mar kale Muqdisho xoriyad ku heysto.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON