Wednesday, June 25, 2025

XOG: Cabsi ka taagan Ciidamadii Imaaraadku tababarray ee Hubkooda kala baxsaday Xerada Jen. Gordon

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya inay jirto xaalad hubanti la’aan ah oo ka dhalatay ciidamo ka mida kuwii Imaaraadku tababarray ee shalay ka baxsaday xerada Jen. Gordon ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo aan tiradooda la shaacin ayaa intooda badan hubkooda ka baxsaday, waxayna qaarkood iska siibeen dareyskii ciidamada iyadoo dadka degaanka ay arkayeen iyagoo derbiga xerada ka daatay oo xaafadaha dhex maraya.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in ciidamadan laga cabsi qaba inay damacsan yihiin qorshe Imaaraadku ugu talogalay inay fuliyaan, waxaana socda qorshe taliska ciidamada xoogga dalka ku doonayo inay dib ugu soo laabtaan xerada.

Qaar k mida ciidamada ka baxsaday xerada Gordon markii uu dagaal dhex maray ciidamada milateriga ee madaxtooyada ayaa la xiray, waxaana maqan oo magaalada galay ciidamo fara badan oo la baxsaday hubkooda, halka qaar kale ay hubkii iska dhigeen.

Sida uu sheegay askari ka mida ciidamda baxsaday oo lagu magacaabo C/raxmaan C/llaahi waxay ciidamo badan ka baxsadeen xerada markii ay derbiyada ka daateen, waxayna qaar kale qarsadeen hubkoodii.

Waxaa baaritaan lagu hayaa sababta ka danbeysa in ciidamada Imaaraadka tababarray ay boobaan xerada maalin kadib markii dowladda Soomaaliya la wareegtay, waxaana jira warar kala duwan oo ku saabsan halka ay ku danbeyn doonaan ciidamadan iyo sida ay u maareyn doono dowladda Soomaaliya.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON