Liiska golaha wasiirada cusub ee wax laga bedelay ayaa gabagabo ku dhow kadib markii habeenkii Sabtida ay isla dhameystireen Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo wasiir Faarax Sheekh C/qaadir, xilligaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku maqnaa tacsidii Boqor Cabdallaha Sacuudiga.
Wararka Goobjooge.com heleyso ayaa sheegaya in isbedelku saameeyay oo kaliya ku dhowaad 25% wasiiradii uu hore ula noqday Cumar C/rashiid. Waxaa soo wada noqonaya inta badan 4tii wasiir ee diidmada laga hor keenay, inkastoo jagooyinkoodii loo bedelay.
Xuseen Cabdi Xalane ayaa dib ugu noqonaya wasiirkiisii maaliyadda iyadoo madaxweynuhu si weyn ugu dhegan yahay.
Faarax Sheekh C/qaadir ayaa lagu wadaa in wasaarad kale oo uu wax ka yaqaan loo wareejiyo.
C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa isna wasaaradda Amniga muran uga jiraa oo la filayaa in wasaarad kale lagu qoro inkastoo madaxweynuhu ku dhegan yahay.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dib ugu soo laabana wasaaradda arrimaha gudaha, laakiin waxaa dhibaato weyni ka heystaa beeshiisa oo aanu taageero ka heysan iyo xildhibaanada, waana arrinta ugu dambeysa ee aan xal loo helin.
Wasiiradii hore loo magacaabay ee aan dib u soo laabaneynin waxay ilaa hadda gaarayaan 4 wasiir iyadoo qaarkood rajadoodu liidato, lagana yaabo in waqtiga ugu danbeeya laga tiro liiska.
Isbaheysiga kutlada e la baxday “badbaadi Qaran” ayaa la siiyay wasiiro ilaa 7 ku dhow oo ay ku jiraan saddex hore ugu jiray xukuumadii hore. Waxaana isbaheysigan uu qarka u saaran yahay inuu kala jabo haddiiba ay dhacdo in sida lagu wado qaar kale oo ka mida wasiiro helaan.
Isbaheysiga kale ee “Toosinta talada Qaranka” oo ay hogaamiyaan xubno ay ugu cadcad yihiin C/llaahi Goodax Barre, Fowsiyo Xaji Adan iyo Cabdiraxman Xoosh ayaan wax rajo ah ka qabin inay wax ka helaan golaha wasiirada cusub, waxa kaliya oo ay isku diyaarinayaan waa inay ka hortagaan codkana u diidaan, iyagoo dadaalkoodu yahay inay la dagaalamaan madaxweyne Xasan Sheekh.
Golaha wasiirada ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo ugu badnaan labada maalmood ee soo socota, waxaana ka haran jagooyin dhowr ah oo la sugayo in go’aankii ugu danbeeyay laga gaaro.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]