Tuesday, June 24, 2025

XOG CULUS: Halkee ku danbeysay Qeybtii Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare..?

Shirkii ugu danbeeyay ee Madasha Qaran ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa noqday kii ugu go’aano yaraa inta la shaaciyay, iyadoo uu mugdi badan hareeyay waxyaabaha looga hadlayo iyo heshiiska lagu gaaray.

Marka laga reebo xilliyada la qabanayo doorashada labada aqal ee Baarlamaanka iyo doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo ay hore u shaaciyeen Guddiga Doorashada dadban, waxaan shirkan laga sugayay go’aano fara badan oo aan la soo hadal qaadin.

Go’aanada ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa:

  • Qodobka metelaada Gobolka Banaadir ee aqalka sare oo guddi hore loogu saaray isla markaana go’aan cad laga sugayay Madasha.

Qodobkan oo guddi farsamo loo saaray isla markaana shirkii Baydhaba ee madasha Guddigaasi lagu soo yareeyay waqtigiisa ayaan wax go’aan ah looga gaarin shirkii Muqdisho ee 2-9 Ogost ka dhacay Muqdisho, xilli 2 xubnood oo dheeraad ah laga siiyay Puntland, kuwaasoo laga soo jaray xubnihii hore loogu qoondeeyay Somaliland.

Madaxtooyada Somaaliya ayaa intii uu socday shirka Madasha waxay shaacisay in madasha ay isla garatay metelaadda Gobolka Banaadir ee aqalka sare, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin.

Haddaba baaritaan ay sameysay Goobjooge.com waxay ku ogaatay  inaysan jirin xubno Gobolka Banaadir laga siiyay Aqalka sare ee Baarlamaanka, iyadoo guddigii howshaasi loo dirayna ay ka gaabiyeen, waxaana shirka Madasha la soo gabagabeeyay iyadoo arrintaasi ay hawada ku laalan tahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON