Xubno u badan wasiiro hore oo dib ugu soo laaban waayay xukuumada cusub ayaa wada olole ay ku doonayaan in la rido xukuumadda magacaaban ee Ra’iisal wasaare Cumar C/rashii Cali Sharma’arke. Xubnahan waxaa u badan Kutlada Toosinta Talada Qaranka ee ay hogaankeeda ka mid yihiin C/llaahi Goodax Barre, Fowsiyo Xaaji Aden iyo Cabdiraxman Xoosh, laakiin waxaa kaloo ku jira qaar yar ooka mida Kutlada kale ee Badbaado badan.
Kooxdan waxaa hadda hormuud u ah Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore Ridwaan Xersi, waxayna shir ay habeen hore yeesheen go’aansadeen inay fashiliyaan xukuumadda cusub, kana shaqeeyaan si aysan kalsooni u helin. Xildhibaanada arrintan ololaha ugu jira waxay gaarayaan 45 xildhibaan, waxayna qaarkood soo jeediyeen in mooshin laga qoro guddoomiyaha Baarlamaanka si a suuragal u noqoto inuusanm guddoomin shirka Isniinta la filayo in codka kalsoonida loogu qaado xukuumadda.
[ad name=”HTML-2″]
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ridwaan isaga haray kooxdani markii culeys weyn ay saareen xildhibaanada Beesha Dir oo uu hogaaminayay Ra’iisal wasaare ku xigeenka cusub Maxamed Cumar Carte, isagoo u balan qaaday inuu faraha kala bixi doono arrintan.
Xubnaha hadda kooxdan ka midka ah ee ugu waaweyn waxaa ka mida:
Mahad Cawad, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka
C/llaahi Goodax Barre
Khadiijo Maxamed Diiriye
Ibraahim Isaaq Yarow
Cabdirahman Xoosh Jibriil
Fowsiya Haji Aden
Waxaa socda ololeyaal iska horjeeda iyadoo kooxdani ay dhibaato ku noqoneyso sidii ay cod ku filan ugu heli lahaayeen mooshin ay ka keenaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ridista xukuumadda.
Arrinta mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu mar waliba ahaa mid ay gacanta ku hayaan saaxiibada Shariif Xasan Sheekh Aadan oo markii ay iska waayaan liiska wasiirada suuqa soo dhiga inuu jiro mooshin, markii xilal loo magacaabana la waayo. Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Qaranka Ibraahim Isaaq Yarow ayaa leh fikrada mooshinka Jawaari, waxaana u cuntami la’ in saaxiibkiis Khaalid Cumar Cali la magacaabo isagiina laga tegay.
Arrinta mooshinka ayaa ujeedkeedu yahay in Prof. Jawaari oo isagu keensaday xubnaha Digil & Mirile ee wasiirada cusub ah lagu khalkhal geliyo si aanu u guddoomin shirka, waxaana la ogyahay in Guddoomiye ku xigeenka koowaad Jeylaani Nuur Iikar uu arrimo caafimaad u aadayo dibadda. Sidaas darteed ayay kooxdani is tuseen inay meeshaasi fursad uga banaan tahay.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]