Thursday, June 26, 2025

XOG CULUS: Madaxda maamul Goboleedyada oo Qandaraaskii koowaad ee Doorashada 2016 ka helay Imaaraadka Carabta

Kulamadii qarsoodiga ahaa ee dalka Imaaraadka Carabta ku lahaayeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi ayaa soo dhammaaday.

Wararka laga helayo magaalada Dubai ayaa sheegaya in ujeedka shirka uu ahaa wadatashi ku saabsan doorashada 2016 iyo qorshe ay wadaray Imaaraadka Carabta oo dano waaweyn ka leh Soomaaliya.

Qandaraaskii koowaad ee Doorashada 2016 ayay dowladda Imaaraadka Carabta siisay madaxda maamulada dalka iyadoo loo balanqaaday kharashaad kale haddii wejiga koowaad ee qandaraaska ay fuliyaan.

Qorshahan Imaaraadka ayaa ah in Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya laga hor istaago inay soo galaan xubnaha ka tirsan kooxda Damjadiid iyo taageerayaasha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana madaxda maamulada dalka laga rabaa inay xaqiijiyaan arrintan oo ay ku heleen dhaqaale hordhac ah.

Qorshaha labaad ee Imaaraadka oo ku xiran fulinta qorshaha koowaad ayaa dib loo dhigay, isagoo ku saabsan laba musharax  oo xilalka madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ka noqon doona dowladda cusub.

Madaxweynayaasha maamulada ee shirka Dubai ka qeyb galay waxaa ka mida: Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, Galmudug C/kariin Guuleed, Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo Jubbaland Axmed Madoobe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON