Monday, June 23, 2025

XOG CULUS: Mid ka mida saaxiibada madaxweynaha oo loo diiday inuu ka mid noqdo Wasiirada Cusub

Mid ka mida saaxiibadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si cad loo xaqiijiyay in loo diiday ka mid noqoshada Golaha wasiirada cusub, loona caddeeyay inuusan ka mid noqon doonin xubnaha golaha wasiirada xukuumada cusub ee la dhisi doono, kadib markii uu kusoo bixi waayay kala doorashadii uu sameeyay madaxweynaha.

Guled-Mahad

C/kariin  Xuseen Guuleed oo u sharaxnaa wasiir ayaa war uusan filayn oo naxdin ah habeen hore kala kulmay madaxweynaha markii ay isku maandhaafeen jagada wasiir ee Beesha C/kariin qofka lagu qorayo. Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu jagadaasi siiyay Mahad Maxamed Salaad oo hore u ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda xukuumadii kalsoonida ka weyday Baarlamaanka, ninkan oo si weyn uga dhex muuqday mooshinkii lagu riday xukuumadii C/weli wuxuu shaqo fiican kasoo qabtay Gobolada Dhexe, taasoo keentay inuu madaxweynuhu soo dhoweysto.

Ad

Madaxweynaha ayaa si cad ugu sheegay C/kariin Guuleed inuu sii ahaan doono La-taliyihiisa siyaasadda balse aanu ka mid noqon doonin Golaha wasiirada, go’aankaas oo la sheegay inuu C/kariin ka carooday, kadibna isaga tegay shir ay lahaayeen isaga iyo madaxweynaha.

Waa markii ugu horeysay ee xubno si weyn ugu dhow madaxweynaha caqabad ka soo wajahdo saaxiibkood, taasoo loo aaneynayo inay ka timid ciriiriga siyaasadeed ee xilligan heysta madaxweynaha.

Goobjooge.com

- Advertisement -

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON