Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa ku wada sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo labadaba lagu soo kala dhoweeyay dhinacyada Koonfureed iyo Waqooyi ee magaaladaasi oo ay ka kala taliyaan Galmudug iyo Puntland.
Wafdiga C/kariin Guuleed ayaa socdaal dhulka ah ku soo maray ilaa Cadaado, waxaana galabta si diiran oo xamaasad leh loogu soo dhoweeyay Gaalkacyo iyadoo ay ka hortageen dadweyne iyo mas’uuliyiin fara badan.
Dhinaca kale wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo maalmahan ku sugnaa degaanada Puntland ayaa iska caawa soo gaaray magaalada Gaalkacyo oo si diiran loogu soo dhoweeyay, iyadoo la dejiyay Hotelka Sugulle ee magaaladaasi. wuxuuna kulamo la leeyahay madaxda Gobolka Mudug ee Puntland.