Friday, June 27, 2025

XOG: Cumar C/rashiid oo Diyaarad gaara u kireystay Cumro siyaasadeed uu ku tegay Sacuudiga

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa diyaarad gaara u kireystay dalka Boqortooyada Sacuudiga oo cumro siyaasaded uu ku tegay, waxaana la socday xubno ka mida shaqaalaha xafiiskiisa iyo qaraabadiisa.

Safark Cumar C/rashiid ee Sacuudiga ayaa ahaa Cumro siyaasadeysan, isagoo  ujeedkiisu ahaa kulamo uu la yeelanayay qaar ka mida amiirada Sacuudiga oo taageero uu ka raadsaday, waxayna wararku sheegayaan inuu isu diyaarinayo go’aan siyaasadeed oo ku saabsan musharaxnimada dowladda cusub ee Soomaaliya.

Muddo saddex maalmood ah oo Cumar C/rashiid ku sugnaa Sacuudiga ayaa la sheegay in diyaarada u kireysan ay taallay magaaladda Jiddah, kadibna markii uu socdaalkisii Sacuudiga uu dhamaaday ayuu shalay u duulay  magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waa markii ugu horeysay ee Cumar C/rashiid uu tallaabadan oo kale ku dhaqaaqo waxayna tani dhaceysaa iyadoo shaqaalaha dowladda iyo xildhibaanada aanay wax mushaar ah qaadan dhowr bilood.

Kua takri falka hantida Qaran ee madaxda dowladda ayaa ka sii darta xilliyada kala guurka ah oo si baahsan loo musuqmaasuqo, waana waqtiga ugu adag ee danaha gaarka ah la fushado.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON