Wednesday, June 25, 2025

XOG: Cumar C/rashiid oo noqday musharaxa Madaxwene ugu ololaha iyo taageerada badan

Ra’iisal Wasaaraha xilka sii haya  Cumar C/rashiid, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha ayaa noqday musharax ugu ololaha badan.

Cumar C/rashiid ayaa booqday bishii la soo dhaafay dhammaan maamul goboleedyada, marka laga reebo Hirshabeelle oo uu ku tashanayo Xasan Sheekh. magaalada Nairobi ayuu tegay muddo 4 jeer ah iyo Dubai oo safar gaara uu ku aaday.

Cumar-Italy

Wuxuu taageero ka heystaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka oo aan la ogeyn waxa ay ku xusheen musharaxan, waxaa kaloo uu taageero ka heystaa laba ka mida maamulada dalka ee Puntland oo uu kasoo jeedo iyo Jubaland oo xulafeysi qabiil ku taageeray.

Imaaraadka ayaa la sheegay inuu balanqaaday kharashka ku baxaya doorashada xilka madaxweynaha ee Cumar C/rashiid cadad kasta oo ku baxa, halka dowladda Kenya ay Imaaraadka kula shirkowday taageerada musharaxan, waxayna labadan dowladood qorshooyin qarsoon ka leeyihiin Soomaaliya.

Ololaha aan fadhiga lahayn ee Cumar C/rashiid ku jiro ayaa muujineysa rajadiisa inuu madaxweyne ka noqdo Soomaaliya, waxayna warar ku dhow sheegayaan inuu heysto taageero dhaqaale intii la doono oo kaliya ay howshiisu tahay inuu isbaheysiyo siyaasadeed.

Dhibaatada ugu weyn ee Cumar C/rashiid heysata ayaa ah sidii uu heshiis ula gaari lahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu ku adkeysnaya musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha. Waxaana socdaalka uu Baydhaba ku tegay uu ka mid yahay ololihiisa sii xoogeysanaya ee xilka madaxweyne.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON