Friday, July 11, 2025

XOG CUSUB: Axmed Madoobe oo digniin kulul ah u soo diray Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horeysay soo farageliyay qaabka ay u socoto magacaabidda iyo soo  xulitaanka Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali “Sharma’arke”, isagoo farriin digniin culus ah u soo diray Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

xasan-ahmed

Farriinta oo dhinaca isgaarsiinta ahayd ayuu ku sheegay Axmed Madoobe haddii aan jagooyinka Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Maaliyadda la siin Xuseen Cabdi Xalane sidii uu ka balanqaaday madaxweyne Xasan  Sheekh inuu qaadi doono tallaabo adag oo uu xiriirka ugu jarayo dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in farriintiisa si toos ah u gaartay madaxweynaha, halka Ra’iisal wasaaraha wakiilkiisa uu gaarsiiyay markii uu ku haleeli waayay Telefoonka. Arrintan oo culeys kale ku sii kordhineysa CCC ayaa waxaa sii xoojinaya xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo taageeraya Axmed Madoobe iyo musharixiisa Wasiir Xalane.

Goobjooge.com

Muqdisho

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON