Thursday, June 26, 2025

XOG CUSUB: Golaha wasiirada cusub oo hortegaya Baarlamaanka iyo codadka ay ka heystaan xildhibaanada

Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Cumar C/rashiid ayaa soo gabagabeeyay olole cod raadis ay oo ay ugu jireen sidii ay codka kalsooni uga helo lahaayeen xildibaanada Baarlamaanka kadib markii uu Ra’iisal wasaaraha ka dalbaday in xubin waliba oo ka mida golaha wasiirada la timaado codadka xildhibaanadeeda.

CCC2

[ad name=”HTML-3″]

Shirkoodii shalay ayay xubnaha Golaha wasiirada kahor akhriyeen Ra’iisal wasaaraha liisaska xildhibaanada ay heystaan oo tiradoodu gaartay in ka badan 180 xidhibaan, laakiin Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inay doodanyaan  codad la isku haleyn karo oo saxa ah, ayna ku filan tahay 140 cod.

Hubinta codadka ay heysato xukuumadda cusub  ayaa maanta tijaabo hoose ku jirta iyadoo ay kalsooni ku qabaan inay mari doonaan Baarlamaanka, waxaana ay go’aansadeen in maalinta Beri ah ee Isniinta  ay hortagaan Baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.

Ilaa 230 xildhibaan ayaa la sheegay inay Muqdisho ku sugan tahay xilligan, waxayna xukuumadda u baahan tahay 139 si ay u ansaxdo oo codka kalsoonida uga hesho Baarlamaanka. Xukuumaddan ayaa ah tii saddexaad oo Ra’iisal wasaare CCC ku dhiirado inuu hor geeyo Baarlamaanka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON