Kadib shirar is daba joog ah oo xalay dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Faarax Sheekh C/qaadir, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu go’aansaday in lagu dhawaaqo magacaabidda Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee lagu muransanaa.
Shariif Xasan iyo Faarax C/qaadir ayaa la sheegay inay balan qaadeen in xukuumaddu ay kalsooni ka heli doonto baarlamaanka, ayna adeegsan doonaan olole iyo dhaqaale sidii horeba ay ugu rideen xukuumadii hore. Waxaa kaloo arrinta culeys u yeelay markii ay ku soo biireen Danjiraha IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo iyo Gen. Gabre oo la safan madaxweynaha kooxdiisa.
Waxaa la filayaa in CCC ku dhawaaqo Golaha wasiirada cusub oo ay ku jiraan xubnihii muranku ka taagnaa ee ay ka digeen Isbaheysiga xildhibaanada in lagu soo daro Wasiirada cusub (Akhri Bayaankooda).
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]