Xog cusub oo uu shaaciyay wargeyska Turkiga ah ee Yeni Safak ayaa sheegeysa in hoggaamiyaha kooxdii Sacuudiga ee dilka u geysatay saxafiga Jamal Kashoqgi inuu muddo 4 jeer ah telefoon u diray xoghayaha gaarka ah ee Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.
Wargeyska oo u dhow dowladda ayaa shaaciyay in madaxa kooxda dilka geystay Maahir C/casiis Almudrib oo ka mida gacan yareyaasha Dhaxalsugaha Sacuudiga uu afar jeer wacay xoghayaha gaarka ah ee Mohamed Bin Salman waa ninka lagu magacaabo Beder Alcasaakir, waxayna arrintani dhacday kadib markii Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul lagu dhex dilay saxafiga Jamal Kashoqgi.
Xogta ayaa intaas ku dartay in madaxda kooxda dilka fulisay uu sidoo kale waxay dalka Mareykanka iyadoo loo maleynayo in qofka uu wacay uu ahaa safiirka Sacuudiga ee Mareykanka oo la dhashay dhaxalsugaha,
Xogtan ayaa sii adkeyneysa eedeynta loo heysto dhaxalsugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman oo ah inuu ka danbeeyay dilkii Saxafiga Jamal Kashoqgi, iyadoo cadaadis badan lagu saarayo qoyska ka taliya Sacuudiga in meesha laga saaro Maxamed Bin Salman.