Xog dheeraad ah ayaa laga helay fal naxdin leh oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii meydka Gabar dhalinyaro laga soo tuuray Daar dheer oo ku taalla Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Gacal Xuseen Gacal oo abti u ah Gabadha falkan ku dhacay ee Xamdi Maxamed Faarax ayaa sheegaya inay Xamdi ahayd gabar 20 sano jir ah oo sanadkan ka baxday Dugsi sare ayna xalay ka war heleen inuu meydkeeda yaallo Isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in si xun loo galay gabadha, dad tiro badanna ay kufsadeen, kadibna Dabaq dheer ka tuureen, ayna caddahay inaysan Nafta dhulka la dhicin, balse aanay ogeyn in markii la kufsaday ee la diay, laga tuuray Dabaqa iyo in dabaqa laga tuuray markii hore.
Gabadha falka naxdinta leh lagula kacay oo maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla degmada Deyniile ayaa la sheegay in Ciidamada Booliska ay arrintan usoo xireen ilaa 6 qof, sida uu sheegay Gabadha abtigeed, inkastoo aan la ogeyn inay yhiin kuwii ka danbeeyay falka iyo qaar la tuhunsan yahay.

Falkan ayaa la sheegay inuu abaabulay wiil ay wada socdeen gabadha lagu tacadiyey oo markii falku dhacay hooyadeed telefoon udiray una sheegay wixii dhacay.
Hay’addaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin falka naxdinta le ee sida weyn loo hadal hayo.