Wednesday, June 25, 2025

XOG CUSUB: Shirkii Madasha ee Baydhaba oo dib u dhacay & K/Galbeed oo Gadoodsan

Shirkii Madasha Qaran ee Wadatashiga oo lagu waday inuu ka furmo magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo wararka la helayo ay sheegayaan in siyaasiyiinta iyo waxgaradka Digil & Mirifle ay si weyn u diidan yihiin Guddiga Doorashada heer Federaal 2016 oo dhowaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo hordhac ahaan u tegay magaalada Baydhabo si uu u gogol xaaro shirka Madasha ee Baydhaba ayaa la kulmay diidmo xoog leh oo ka timid Odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta ku sugan Baydhaba, waxaana kulamo uu la qaatay ay si cad ugu sheegeen inay ka horjeedaan qaabka wax u socdaan.

Xildhibaanada Digil iyo Mirifle ayaa si weyn horeba uga hor yimid dhismaha Aqalka Sare oo ay sheegeen inay ku dulman yihiin, waxaana taasi u raacsan inay 4 xubnood oo kaliya ka helaan Guddiga Doorashada heer Federaal, halka Beelaha Daarood iyo Hawiye ay min 6 xubnood ku leeyihiin taasoo ka sii careysiisay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa maanta uga dhawaaqay Baydhaba in Shirka Madasha uu furmi doono maalinta Arbacada ee 22-ka Bishan, halka markii hore la filayay inuu furmo Isniinta 20-ka Bishan June 2016.

Prof. Jawaari ayaa isku dayaya inuu dejiyo xaalada kacsan iyo gadoodka ka taagan magaalada Baydhaba, arrintaas oo uu uga baxay madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON