Tuesday, June 24, 2025

XOG CUSUB: Wafdi ka socda dowladda Qatar ah oo Soomaaliya u tegaya Sahminta Dekado ay Maalgashadaan

Dowladda Qatar ayaa ku soo biireysa loolanka loogu jiro dekadaha Soomaaliya, iyadoo maanta lagu wado inay magaalada Muqdisho soo gaaraan wafdi ka socda dowladda Qatar iyo hay’adaheeda maalgelinta oo booqan doona dekado dhowr ah.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in wafdiga dowladda Qatar ay tegi doonaan dekadaha Muqdisho, Kismaayo iyo kuwa kale oo la qorsheynayo iany ka mid noqoto dekadda Hobyo oo weli aan la dhisin.

Ujeedka wafdiga Qatar ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay u baadi goobi lahaayeen dekado ay maalgashi ku sameeyaan dalka Soomaaliya xilli ay sii kordhayaan dalalka ku loolamaya dekadaha Geeska Afrika sida Imaaraadka, Turkiga iyo Qatar.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dhowaan isu afgartay in afar dekadood oo aan la magacaabin ay maalgashi ku sameeyaan, iyadoo Itoobiya la sheegay inay qorshahaas la wado Imaaraadka, waxaana dowladda Qatar loo arkaa inay loolan kula jirto Imaaraadka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON