Inta badan xildhibaanada Beesha Daarood ayaa kulamo ay si kala gaara ula yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaaraha Cumar C/rashiid Cali waxay gaarsiiyeen maanta gaarsiiyeen go’aan adag oo ku saabsan magacaabidda iyo xulista Golaha wasiirada cusub.
31 xildhibaan oo beeshaasi ka socda kana mida xildhibaanada ka tirsan Kutlada ka horjeeda siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saaka kulan aan waxba la isku reebay xarunta madaxtooyada kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh waxayna gaarsiiyeen go’aankooda ah:
= Inuusan madaxweynuhu u soo xuli karin xubnaha beeshaasi uga mid noqonaya Golaha wasiirada, iyaguna xaq u leeyihiin inay isku waafaqaan soona xushaan wasiiradooda.
= In madaxweynuhu xaq u lahayn inuu mar waliba qof uu gaar ahaan uga xusho beeshaasi kuna daro golaha wasiirada
= Xildhibaanada Beesha Daarood waxay ee aqbaliyada ah waxay dalbadeen inuu faragelinta ka daayo madaxweynaha beesha iyo dadka uga mid noqonaya golaha xukuumada.
Dood aad u kulul oo labada dhinac ay is dhaafsaday kadib wuxuu madaxweynuhu u sheegay xildhibaanadaasi inay arrintani ka hadli doonaan isaga iyo Ra’iisal wasaaraha cusub.
Kulankaas kadib ayay xildhibaanadaasi shir kale xaruntiisa kula yeesheen Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo sidoo kale ay kala doodeen magacaabida Golaha wasiirada, waxayna uga digeen inuu soo magacaabo xubno liis ugu qoran oo loo yeeriyay. Ra’iisal wasaare CCC ayaa sidoo kale balanqaaday inay arrintani uu talo ka qaadan doono isla markaana dib ugu soo war celin doono.
Tallaabada ay qaadeen xildhibaanadan ayaa keeni karta inay si toos ah isu arkaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo markii hore si hoose u waday arimaha dhismaha xukuumadda cusub, warar kala duwana u sheegi jiray hadba kooxdii ay qaabilaan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]