Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa kashifay wixii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo intii ay socdeen wadahadalladii Magaalada Dhuusamareeb.
Deni ayaa sheegay inuu laba jeer kulan gaara la yeeshay Farmaajo, laba jeer oo kalena ay la kulmeen isaga iyo Axmed Madoobe, ayna jireen shirar kale oo guud, wuxuuna caddeeyay in kulamadii gaarka ahaa ee uu la yeeshay Farmaajo uu kala hadlay arrinta doorashada.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu Farmaajo aamisanaa doorasho Qof iyo Cod ah inay dalka ka dhacdo, taasoo aan waqti lahayn, sidaasina lagu taageero, arrintaan oo muddo dheer qaadatay doodeeda, markii danbe ay u muuqatay inuu Madaxweyne Farmaajo ku qancay inaysan suuragal ahayn Doorasho Qof iyo Cod ah, iyadoo la isla qaatayi n guddi loo saaro.
Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegay inay isaga iyo Axmed Madoobe ay laba jeer Farmaajo kulmeen, ayna ka wadahadleen khilaafka u dhaxeeyay Jubbaland iyo dowladda Federaalka, laguna heshiiyey in arrintaasi lasoo afjaro oo xal laga gaaro.
Madaxweyne Deni ayaa khudbad uu jeediyey ka sheegay in kulamad dhex maray Madaxweyne Farmaajo ay ahaayeen kuwo gaara oo aan cid kale loo ogolaan, laakiin ay hadda tahay in dadka uu la wadaago si xaqiiqada loo ogaado, wuxuuna ku eedeeyay Farmaajo inuu burburinayo heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb, kana danbeeyay sidii sharci darrada ahayd ee xilka looga qaaday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay beesha Caalamka inaysan gacmaha ka laaban waxa ka socda Soomaaliya, iyo sharcidaradda uu ku socdo Madaxweyne Farmaajo, isagoo ka digay inuu dalku ku wado xaalad halis ah.