Friday, June 27, 2025

XOG: Digniin laga soo saaray Qorshe Alshabaab ku doonayaan inay kula wareegaan Gobolka Gedo

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in Alshabaab ay diyaarisay qorshe ay ku doonayaan inay kula wareegaan inta badan degmooyinka Gobolka Gedo.

Qeylo dhaan uu soo saaray Guddoomiyaha degaanka Ceelcadde Cabdi Cali Cabdi Qoorleex ayuu ku sheegay inay kumanaan Alshabaab ay oo gobolka Gedo oo galo ay leeyihiin qaab ah inay qaadi doonaan dagaal weyn, ujeedkooduna yahay inay la wareegaan degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.

Wuxuu intaas raaciyey inay heleen xog ku saabsan in Alshabaab ay weerarro waaweyn  u diyaariyeen Baareedheere, Buurdhuubo, Garbahaarey iyo  Beledxaawo, wuxuuna ugu baaqa in ciidamada dolwadda inay galaan heeganka ugu sareeya iyadoo uu sheegay in xilli kasta ay dagaallo qarxi karaan.

Guddoomiyaha Ceelcadde ayaa hore ugu digay ciidamadii Kenya ee saldhigga ku lahaa degaankiisa weerarkii weynaa ee Alshabaab ku qaaday saldhigii ciidamada Kenya ee Ceelcadde Janaayo 2016 oo lagu dilay boqolaal askar Kenyaan ah.

Hore ayay saraakiisha ciidamada u shaaciyeen in Amiirka Alshabaab iyo ciidamada fara badan oo la socda ay ka soo qaxeen Gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo soo galay degaanada Gobolka Gedo, waxaase muuqata in qorshahooda ahaa mid culus.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON