Dowladda Qatar ee ka mida dowladaha ugu qanisan Khaliijka carabta ayaa ogolaatay inay maalgeliso mashaariicdii ugu horeysay ee Soomaaliya laga fulinayo.
Mashaariicdan ayaa ka kooban dhismaha wadooyinka Muqdisho soo gala, waxaana Goobjooge.net ay ogaatay in wasaaradda Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ay gacanta ku heyso qorshaha mashaariicdan oo dhowaan la hor geynayo Golaha Wasiirada.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in dowladda Qatar ay maalgelineyso dhismaha Wadooyinka Muqdisho-Afgooye iyo Muqdisho-Jowhar, waxaa kaloo ka mida dhismaha wado 10 KM ah oo ka mida wadooyinka Muqdisho.
Dalka Qatar ayaa noqonaya dalkii Carbeed ee ugu horeeyay oo mashaariic si deeq ah u maalgeliya Soomaaliya, waxaana arrintan gacan ka geysanaya oo dowladda Qatar ku riixay Turkiga.
Qorshaha mashaariicda Qatar ka fulineyso oo dhameystiran ayaa lagu wadaa in Wasaaradda Qorsheynta ay u gudbiso Golaha Wasiirada.
Sacuudiga oo hore u balanqaaday mashaariic ay ku baxeyso lacag dhan 4 Bilyan oo doolar ayaan weli waxba ka hirgelin, iyadoo shaki laga muujinayo balanqaadyada dowladaha carabta.
Dowladaha Qatar iyo Sacuudiga ayaa ah labada dal ee Carbeed ee kab dhaqaale ku dara miisaaniyadda Soomaaliya sida ay muujineyso miisaaniyadda dowladda 2017 oo dhowaan la hor geeyay Baaralmaanka Soomaaliya.
Goobjooge