Dowladda Qatar oo si gaara u taageeri jirtay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bilaabeysa qorshe ay ku dooneyso inay isaga fogeyso xilligan oo uu xaalad adag ku jiro.
Wararka la helay ayaa sheegaya in dowladda Qatar ay xaqiiqsatay inay soo dhammaatay rajadii laga qabay inuu xilka sii joogo Maxamed Farmaajo, sidaas darteedna ay dooneyso inay ka furato, isuna muujiso dal dhexdhexaad ah oo ka qeyb qaadanaya sidii looga gudbi lahaa khilaafka Doorashada Soomaaliya.
Ergay gaar ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Qatar ayaa lagu wadaa inuu toddobaadka dambe tago Soomaaliya. Ergaygan oo lagu magacaabo Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa ah ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Khilaafyada.
Faahfahin dheeraad ah lagama helin shaqada ergeyga iyo mudadda uu joogi doono Soomaliya, laakiin ilo xogogaal ah ayaa sheegay in ergaygan oo qeyb ka ahaa dhexdhexaadinta Ururka Talibaan iyo Maraykanka, laga yaabo inuu gacan ka geysto sidii Farmaajo loogu qancin lahaa inuu tanaasulo.
Dowladda Qatar waxaa la sheegay inay dhaqaale badan ku bixisay Doorashadii Farmaajo iyadoo u soo marsiiyey Fahad Yaasiin oo hadda ah agaasimaha NISA, waxaana sidoo kale lagu eedeeyay inay lacag toos ah oo madow ku taageerto Farmajo.
