Tuesday, July 1, 2025

XOG: Dowladda Soomaaliya oo dhowr bilood oo muddo kororsi ah ku dhawaaqeysa

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay muddo kororsi sameysteen

iyadoo dhowaan la filayo in lagu dhawaaqo, kadib markii ay xaqiiqo noqotay dib u dhaca doorashada 2016 oo qorsheysneyd inay bilaabto bisha Ogost.

Xogta ay heleyso Goobjooge.com ayaa sheegeysa in doorashada Baarlamaanka hadda la qorsheeyay inay dhacaan Bisha Oktoobar ilaa Novembar 2016, halka doorashada Madaxweynaha ay la qorsheeyay Bisha Decembar ee sanadkan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa hore u dalbatay muddo kordhin ilaa 4 bilood ah, taasoo uu diiday Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin isla Baarlamaanka ayaa si sharci ah u kororsaday xilka dhowaan markii ay wax ka bedeleen qodobo ka mida Baarlamaanka oo ay u codeeyeen in Baarlamaanka hadda sii jiri doono inta laga soo dooranayo Baarlamaan kale.

Golaha ammaanka ayaa qaraar uu kasoo saaray Soomaaliya hore ugu caddeeyay inaysan jiri doonin wax muddo kordhin ah. Sidoo kale dhammaan shirarkii Madasha Qaran ayaa lagu xaqiijiyay inaysan jiri doonin muddo loo kordhiyo hay’adda dowladda Federaalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON