Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay dib u celineyso lacag lagu qabtay garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho oo ku socotay safaaradda Imaaraadka.
Lacagtan oo cadadkeedu ay Wasaarada Amniga gudaha ku sheegay 9.6 Milyan doolar ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex dhalisay dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, waxaa ugu danbeyn go’aan lagu gaaray in dib loogu celiyo dowladda Imaaraadka iyadoo loo marinayo safaaradeeda Muqdisho.
Baaritaan ku saabsan lacagtan iyo halka ay ku socotay ayaa qaatay muddo ku dhow toddobaad, kadib markii ciidamada NISA ay la wareegeen, lana geeyay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa maraya heerkii ugu xumaa, iyadoo labada dal ay is weydaarsadeen ereyo kulul, waxaana la sheegay inay labada dowladood ay ku dhex jiraan Sacuudiga iyo Masar oo dadaal ugu jira in xal loo helo xiisada diblomaasiyadeed.