Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulamo wadatashi ka leh go’aankii ay ka qaadan lahaayeen faragelinta dowladda Kenya oo wafdi rasmi ah u soo dirtay caleemo-saarkii Axmed Madoobe.
Warar ku dhowdhow Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in dowladda Somalia ay go’aansatay inay dalka ka ceyriso safiirka Kenya u jooga Soomaaliya Jeneraalka howlgabka ah ee Lucas Tumbo, iyadoo qaabka ceyrinta la filayo inay noqoto sidii ay Kenya hore dalkeeda uga soo saartay safiirka Soomaaliya Maxamud Axmed Tarsan.
Waxaa la filayaa inay Soomaaliya u yeerato safiirkeeda dalka Kenya, ayna safiirka Kenya ka dalbato inuu dalkiisa ku noqdo, iyadoo gaarsiineysa askhtako ku saabsan xadgudubka dowladda Kenya ku sameysay amarkii lagu xayiray diyaaradaha ka yimaada dalka Kenya ee ku socdo magaalada Kismaayo, waxaana xaaladda uga sii daray markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu wafdi rasmi ah u soo diray caleemo saarkii Axmed Madoobe.
Guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aden Barre ayaa hoggaaminayey wafdigii Kenya, ee tegay magaalada Kismaayo, si buuxdana u taageeray Axmed Madoobe oo dowladda Somalia ay sharci darro ka dhigtay doorashadiisa.
Talaabadan ayaa la sheegay inuu ka cago jiiday go’aankan, iyadoo Madaxweyne Farmaajo ku adkeysanayo, waxaana go’aanka ugu dambeeya la filayaa inuu soo baxo 24-ka saac ee soo socda.