Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xalay kulan la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed.
Kulankan ayaa yimid markii Agaasimah NISA xiriiro toos ah la sameeyay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa lagu xiray inuusan noqon shaqsi ee loo wadahadlo Madasha Xisbiyada & Taliyaha NISA, isla markaana ka dalbaday inuu la kulmo, waxaana laga aqbalay kadib markii ay madasha Xisbiyada ka fariisteen arrintan oo lagu go’aamiyey inuu kulanka ka dhaco xarunta Sheekh Shariif
Sheekh Shariif ayaa hore u diiday wadahadal dhex mara Madaweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadib markii uu telefoon kula hadlay dhowaan, waxaana kulanka xalay oo socday in ka badan saacad ay sheegeen goobjoogayaal in looga hadlay xaaladda siyaasadda ee cakiran, xiriirka dowladda Federaalka iyo madaxda Xisbiyada iyo tacadiyo lagula kacay qaarkood oo ay si weyn ugu eedeeyeen madaxda Dowladda.
Fahad Yaasiin oo hadda haya xilka ugu sareeya sirdoonka Soomaaliya ayaa la aamisan yahay inuu yahay ninka ugu awoodda badan dowladda Farmaajo isla markaana isaga uu bixiyo amarrada ka dhanka ah mucaaradka ka horjeeda dowladda, laakiin muddooyinkii danbe ayuu waday qorshe uu isugu muujinayo mas’uul dhexdhexaad ah oo dhageysanaya qeybaha bulshada iyo aragtida ay ka qabaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.
Arrimaha ugu adag ee kulankii xalay looga hadlay ayaa waxaa ka mida:
1- Hab-dhaqanka dowladda Federaalka ee siyaasiyinta ka aragtida duwan iyo maamul goboleedyada
2- Falal ay dowladda kula kacay madaxda xisbiyad qaarkood
3- Ka hortagga xiisad ka dhalata magaalada Muqdisho oo la dareemay abaabul bannaanbaxyo
4- Arrimaha Doorashada iyo mugdiga ku jira.
Ma jirin wax go’aan ah oo kulanka lagu gaaray, wuxuuna ahaa kii ugu horeeyay oo labada dhinac yeeshaan iyadoo Agaasimaha NISA uu dib ula noqday qodobo ay dalbadeen Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif hoggaamiyo si dhabaha loogu xaaro wadahadal kale.