Wednesday, July 9, 2025

XOG: Farmaajo oo olole aan la fileyn ka wada Dhuusamareeb iyo Madax isbedel ku yimid

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si aan la fileyn olole uga bilaabay magaalada Dhuusmareeb, kaasoo uu ku doonayo inuu taagero ugu helo qorshihiisa ah in Doorasho Qof iyo Cod ah oo ka dhacda dalka.

Madaxweyaha oo Jimcihii tegay magaalada Dhuusamareeb ayaa kulamo kala gaara la yeeshay dhammaan madaxweynayaasha maamul Goboleedyada, wuxuuna sidoo kale kulamo guud la yeeshay Ra’iisal wasaaraha iyo saddexda madaxweyne ee maamullada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Shalay iyo xalay ayuu Madaxweyne Farmaajo kulamo kala gaara la yeeshay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo khilaaf adag kala dhaxeeyay, waxaana xogta laga helay kulamadaasi ay sheegayaan inay durba kala qeybsameen madaxda Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qooqoor ayaa la sheegay inuu taageero uu muujiyey qorshaha doorashada Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen uu shirarka guud ka gaabsadya inuu mucaarado Qorshaha Doorashada ee Farmaajo wato.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad uga hor yimid Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee ah in Doorasho Qof iyo Cod ah dalka ka dhacdo, waxaana kulamadii uu la yeeshay ay ku dhammaadeen, iyadoo aan wax is-faham ah lagu gaarin.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna la sheegin in mowqifkiisa aanu caddeyn oo uu isu bedelay mas’uul aan go’aan lahayn xilliyada uu ka qeybgalayo shirka madaxweyne Farmaajo la yeelanayo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb oo lagu waday inuu maanta furmo ayaan la ogeyn xilliga uu furmi doono iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu si cad u sheegay inuusan diyaar u ahayn tanaasul uu ka muujiyo Qorshihiisa Doorashada oo huwan muddo kororsi loo sameeyo xilkiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON